Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

0
367

Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxa gaaray wafdigii uu hogaaminaya Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Somaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Wafdiga oo socdaal dhulka ah uga yimid Cadaado ayaa waxa uga hortagy degaanka Mareergur Ciidamada Ahlusunna iyo  Saraakiishooda oo soo galbiyay soona gaarsiiyay Dhuusomareeb.

Wafdiga Wasiirka iyo Saraakiisha Ahlusunna ayaaa qado kadib wada qaatay kulamo irduhu u xiranyihiin ,kuwaa oo ka dhacay Xarunta Inji oo aheed halkii lagusoo gaba gabeeyay Shirkii dib u heshisiinta ee Beelaha G/dhexe.

Wada hadaladan ayaa waxa garwadeen ka ah oo labada dhinac u dhaxeeya Xilibaan C/samad Macalin Maxamuud oo madaxweyne Xasan Shiikh uu udiray Gobolka si xal looga gaaro khilaafka Ahlusunna iyo Dowladda.

Wasiirka Arrmaha Gudaha Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in uu Dhuusamareeb u yimid wada hadal dhexmara Dowladda Dhexe iyo Maamulka Ahlusunna,waxaana uu ugu baaqay Ahlusunna in ay ka guuraan Magaca Kooban oo ay qaataan Magaca Dowladnimo.

Wasiir odawaa waxa kale oo ku baaqay in la soo celyo Dadkii Magaalada Dhuusamareeb ka barakacay ee Banaanada jooga.