Wasiirka Arimaha Gudaha oo ugu baaqay Ahlu suna in ay ku biiraan nidaamka Dowladnimo ee dalka

0
244
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay Dowladdu inay qirsan tahay doorka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, balse ay isku khilaafsan yihiin magaca.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in Ahlu Sunna laga rabo inay door ka qaadato dhismaha maamulka Gobolada dhexe.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa horey ugu baaqday in Maamulka loo samaynaayo Gobolada Dhexe laga dhigo Maamulka Ahlu Sunna, iyagoo magacaasi u arka midka Ururka Al Shabaab looga xoreeyay Gobolka Galgaduud.

“Anaga runtii waxaan aaminsanahay shaqada aad haysaan ay shaqadii Dowladda tahay, magaca uun aan isku khilaafsanahay, marka waxaan rabnaa inaan magacii ku heshiino hadafkii weynaayow ummadaan ay laheyd lagu wada gaari karay. Hooska dowladnimadaa la wada harsan karaaye aan hooska wada qaadano.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweeyay oo gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wasiir Odawaa, ayaa wada hadalo Magaalada Dhuusamareeb kula leh Madaxda Ahlu Sunna, si Ahlu Sunna kaga qayb qaadato Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe

Wasiir Odawaa