Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Weerarkii Iskuul Shibis

0
381

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afkooda ayaa sheegay in Weerar Qorsheysan ay ku qaadeen Xarun lagu Tababaro Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya oo ku taala Degmada Shibis.

Waxaa ay sheegeen in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay Gudaha u galeen Goobta uu Weerarku ka dhacay ee Degmada Shibis islamarkaana ay Weerar Toos ah iskaga hor yimadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha ka tirsan Shabaab.

Inkastoo aysan sheegin inta uu le egyahay Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Dowladda ee ay Weerareen iyo iyaga dhankooda intaba ayaa waxaa ay intaa ku dareen in uu Howlgalka wali socdo.

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amaanka ay Fashiliyeen Weerar Al-shabaab ay ku soo qaadeen Dugsiga Shibis ee Degmadaasi Shibis oo ay Arday dhigtaan.