Xildhibaan Kenyan ah oo Walaac ka muujiyay joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia

0
242
Xildhibaanka laga soo doorto waqooyiga Kenya Raxiim Daa’uud ayaa ugu baaqay dowlada Kenya iney kala baxdo dalka Soomaaliya, si loo badbaadiyo dhaqaalaha Qaramada Midoobay ku bixiso howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mr Daa’uud wuxuu sheegay in qoondada sanadkaan loogu talo galay xaqiijinta amaanka aysan aheyn middii caadiga aheyd isagoo ku sheegay iney gaareyso 224 Bilyan oo lacagta Kenya ah.

Dhaqaalahaasi ayuuna sheegay in loogu talo galay dagaalka ka dhanka ah Alshabaabka ka dagaalama Soomaaliya oo weeraro qasaro geystay ka fuliyay gobolka NFD ee dalka Kenya.

“Waxaan dooneynaa inaan soo iibsano hub badan lana hirgilinyo xerooyin ciidan oo ku yaala dhanka xuduuda marka ciidamadeena laga soo saaro Somalia”ayuu yiri Xildhibaan Daa’uud.

Xildhibaanka ayaa ka digay in walaaca dhaqaale ee dalka Kenya uu horseedi doono in ciidamada Kenya ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay iney taagan tahay qatarta Alshabaab ee dhanka waqooyi bari dalka Kenya “NFD” Northern Foreinteir District.

Xildhibaano badan oo laga soo doorto gobolka NFD Kenya ayaa marar badan waxay ka dalbadeen madaxda Kenya in ciidamadooda ay ka saaraan dalka Soomaaliya, iyadoo dowlada ay ku jawaabtay in marnaba aysan ciidamada kala bixi doonin Soomaaliya.