Xilibano Katisan Barlamaanka Soomaaliya Oo Kenya Ku Edeyay In Ay Dhib Kawado Somaliya

0
250
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay in Dowlada Kenya ay darbi ka dhisato Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Dowlada Kenya ayu iminka ka shaqeyneyso in ay sii kala fogeyso shacabka Soomaaliyeed iyo shacabkeeda isla markaana aya abuurto colaad hor leh oo u dhaxeysa labada Dowladood ee Deriska ah.

Waxa u tilmaamay in qoi iyo Ciidan meel la keeno in aysan ahayn Xuduud ama sugid amni balse Kenya ay dooneyso Arrimo kale oo ayada u gaar ah sida uu tilmaamay Xildhibaanka.

Dowlada Kenya ayaa horay u shaacisay in ay darbi weyn ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna arrinkaasi ku micneysay Sugida amniga Dalkeeda ka dib markii ay ku bateen Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Kenya.