Ciidamada AMISOM oo iskaga baxay Degaanka Awdheegle

0
311

Wararka ka imaanaya Degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose  ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa halkaasi ay iskaga baxeen,waxaana sidoo kale Degaanka Faarujiyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay Faarujiyeen Degaanka,waxaana ay u Ruqaansadeen Dhanka Degaanka NR 50.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose wali kama  hadlin Sababata Ciidamada AMISOM ay iskaga baxeen Degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ayaa horay uga baxay Degaanada Leego iyo Tooratooroow ee Gobolka Shabellaha Hoose.