Ciidamada Dowlada Amisom oo ka soo baxay Janaale iyo Alshabaab oo tuuloyin la wareegay

0
328

Wararka laga helayo degmada Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta isaga soo baxeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Lama yaqaan halka ay qabteen ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada laakiin maamihii ugu danbeeyayba waxaa socday dib u gurasho ay wadeen ciidamada Amisom .

Mid ka mid ah nabadoonada janaale ayaa sheegaya inay ka baxeen ciidamadii Dowlada iyo kuwa amisom laakiin ay magaaladaasi haawaneyso.

“alshabaab-na nalama joogaan Dowladuna waa naga tagtay”ayuu yiri Nabadoon u waramayay Radio hiranweyn

Sidoo kale xoogaga alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay la waregeen tuulooyin hoos taga degmada owqdheegle halkaasoo aaney cidina kula diririn.