{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan Xasaasi ah maanta ku yeeshay Muqdisho

0
267

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo diirada lagu saarayay dhoor qodob, waxaana kulanka intii uusocday shir gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Kulanka ayaa ugu horeeyn waxaa warbixino looga dhageestay kusimaha Gudoomiyaha Gobolka, kaa oo warbixin kala duwan ka dhiibay waxyaabihii u qabsoomay intii uu Dalka Sacuudiga ku maqnaa Gudoomiyaha Gobolka Muungaab.

Sidoo Waxaa kulanka Maamulka Gobolka looga hadlay Xaalada Nadaaafadeed Gobolka Banaadir iyo halka ay mareyso, waxaana la isku raacay in si weyn loo nadiifiyo guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo muujiyo bilicda Caasimada.

Kulanka ay maanta yeesheen Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Tatanka Kubad Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhawaan Ka bilaaban doona Garoonka Studium Banaadir, waxaana la isku raacay in la dhiiri galiyo ciyaarahaasi si Loo Adkeeyo is dhax galka Bulshada.

Sidoo waxaa Warbixn laga dhageystay agaasimaha Amniga Gobolka Banaadiroo Dhamaan warbixn ka Bixyey Xaalada Amaanka Magaalada iyo Qaabka Ay Hey.addaha Amaanka iyo Maamulka banaadir U wada shaqeyaan.

Ugu Dambeyntiina Gudoomiyaha Gobolka banaadir xasan Maxamed Xuseen”Muungaab ayaa ku dhawaaqay Sanadkan in la dar dar galiyey howlaha Shaqada gobolka banaadir lana xisaabtama waaxa dowlada hoose Si loo Hubiyey in la gaari karo Meesha Loo socda.