{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha ugu sareeya ciidanka AMISOM iyo Saraakiil kale oo booqday Jaziirada Kudhaa

0
205

Waxaa Jaziirada Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose booqday Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Jonathan Rono iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Amisom.

Jaziirada ay Mas’uuliyiintaani Amisom booqdeen ayaa waxa ay 120 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose waxa ayna xiligaani saldhig u tahay Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Kenya iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Jubba.

Jonathan Rono oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidanka Amisom ayaa u kuurgalay xaalada guud ee Jaziirada waxa uuna hal hal u booqday goobaha fariisimaha u ahaan jiray Alshabaab.

Waxa uu cagta mariyay dhufeysyada Ciidamada isagoona Ciidamadu ku bogaadiyay howsha wacan ee ay hayaan.