{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhiga oo tagay Caabudwaaq xili ay Xiisad ka jirto baaqna u diray Ahlu Sunna

0
252

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa xalay booqasho waxa uu ku tagay Magaalada Caabdudwaaq ee Gobolka Galgaduud halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed.

Degmada Caabdudwaaq waxaa shalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi ku sugnaa, waxa uuna Wasiirka ku howlan yahay waan waan iyo in xal laga gaaro colaada ka aloosan Degmadaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qeybaha bulshada ee degmada Cabudwaaq kuwaasi oo kala hadlay arrimo badan, isaga oo dhinaca kale ka hadlay howllgalada ka dhanka maleeshiyada Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Mudane Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa qeybaha bulshada uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isagoo kala hadlay inay ka shaqeeyaan xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada, waxaana uu si gaar ah ula kulmay saraakiisha ciidanka booliska ee degmada ku sugan.

Wasiirka ayaa baaq u diray culimaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud , waxa uuna ugu baaqaykooxdaasi in ay nabada qaataan ayna qeyb ka noqdaan dowlad goboleedka Galmudug, ayna waxkasta ku dhameeyaan wada hadal.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo ka hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa tilmaamay in howlgalladu ay yahiin kuwa la doonayo in dalka oo dhan lagaga sifeeyo argagixisada Al-Shabaab, isla markaana dib loo soo celinayo xasiloonidii