Dagaal Culus oo saakay dib uga bilowday Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

0
119

Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay iyo saakay ay halkaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dagaal culus oo geestay qasaaro kala duwan .

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya Ciidamada amniga ee gacanta ku hayay Degmadaasi iyo maleeshiyaad is aruursaday, Dagaalka ayaa bilowday xalay inkastoo markii dambe istaagay kadib markii la damiyay korontada Magaalada.

Wararka aan ka heleyno Degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in saakay mar kale uu halkaasi ka bilowday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada amniga ee Caabudwaaq iyo maleesiyaadka is aruursaday, waxaana wali meelaha qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalka ka bilowday Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana durba Odayaasha iyo waxgaradka Degmadaasi ku dhaqan bilaabeen sidii loo qaboojin lahaa dagaalka loona kala qaadi lahaa dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac , inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay la egyihiin qasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here