Ganacsato Somali ah & Dowladda Jabuuti oo Kawada Hadlay Maalgashiga Dalka Jabuuti {DAAWO SAWIRADA}

0
329

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa shalay ka dhacay shirk ku saabsanaa maalgashiga dalka Jabuuti, kaas oo dhex maray ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolkan iyo Wakiilo ka socday Dowladda Jabuuti.

Wafdiga Xukuumadda Jabuuti waxaa Hoggaaminayay Duqa Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti, Xuseen C/llaahi Kayad, waxaana ka mid ahaa la-taliyaha Madaxweyne, Ismaaciil Cumar Gelle ee arrimaha xiriirka Caalamiga ah Mustaf Dharar iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid ahaa khasnajiga rugta ganacsiga Jabuuti C/raxmaan Ismaaciil, waxaana shirkan soo qaban-qaabiyay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee Minnesota Chamber of Commerce Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene.

“Jabuuti waa dal muhiim u ah Soomaaliya iyo qoomiyadda Soomaalida intaba, waxaana jecelnahay in fursad kasta oo laga faa’iideysan karno aan u soo bandhigno, sidaa daraadeed maadaama dalkeenu noqon doono suuq weyn oo ay ka adeegtaan dad gaaraya Afar boqol oo Milyan oo ku noool 21 dal oo ku jira ururka ganacsiga ee COMES oo badankood aysan laheyd Dekado” ayuu yiri Xuseen Cabdullaahi Kayad – duqa magaaladda Jabuuti.

“Wixii ka dambeeya sannadka 2017 waxaa Jabuuti diyaar u noqon doona lix Dekadood oo laga dhoofin doono Xoolaha nool, Shidaalka, Gaaska, Macdanta iyo alaabada caalamka ku socota, si la mid ah waxaa  ka soo degi doona dhammaan wixii laga ganacsado, sidoo kale waxaan diyaarineynaa laba jid oo halbowle u ah ganacsiga Africa iyo Jabuut inta, kaas oo mid isku xiri doono inta u dhexeysa Jabuuti iyo  Dalka Senegal, kan kalena Itoobiya” ayuu sii raaciyay mudane Kayad.

Mustaf Dharar oo ah la-taliyaha arrimaha xiriirka caalamiga ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay jeceshahay ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay ku boorineyso inay hantidooda ula soo wareegaan suuqa cusub ee Jabuuti.

“Waxaan leenahay xaafiiyo u gooni ah ganacsatada maalgashaneysa dalkeena, mar kastana waan caawineynaa maalqabeenada dalkeena jooga, 2-da sano ee ugu horeeysana waxaaa loo sameynayaa canshuur dhaaf iyo soo dhaweyn uu ku qanco” ayuu yiri Mustaf Dharar oo ganacsatada ku booriyay inay soo booqdaan magaalooyinka iyo Dekadaha kala duwan ee dalka Jabuuti.

Dharar ayaa sheegay in fursado badan laga dhex arki karo guryaha, warshadaha yar-yar iyo adeegyada kale socodsiinta iyo isku duwista mashaariicda iyo shirkadaha ee (Logistics).

C/raxmaan Ismaaciil oo ka socday rugta ganacsiga Jabuuti ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaa beecmushtarka Soomaaliyiyeed.

“Rugta Ganacsiga Jabuuti waxay ka kooban tahay  sagaal waaxood – Waxaan la talinaa ganacsatda, sidoo kale waxaan warbixin iyo macluumaad muhiim ah siinaa maalqabeenada dalka imaanaya, waxaan u fududeynaa adeegyada ay doonayaan” ayuu xusay C/raxmaan Ismaaciil oo sheegay in rugta ganacsiga Jabuuti la aas-aasay sanadkii 1907.

Ganacsatadii kulanka kasoo qaybgashay ayaa aad ugu farxay Warbixintii ay Xubnaha Reer Jabuuti siiyeen, waxayna sheegeen inay fursadahan la wadaagi doonaan hantiileyaasha kale ee aan kulankan imaan.

“Hantideena waan ku aamini karnaa dalka Jabuuti ee aan walaalaha nahay, sidaas oo kale waxaan dadaal u gali doonaa inaan dad kale oo aan Soomaalida aheyn aan la wadaagno warbixinta iyo fursadaha ka jira Jabuuti sida xarunta gancsiga Minnesota Trade Office oo aan la shaqeyno” ayuu yiri Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene.

Beene-Beene ayaa dhinaca kale Wafdiga Dalka Jabuuti uga Mahad-celiyay Taageeradooda Xawaaladaha Soomaalida, Maadaama ay Xubno ka Tirsan Xukuumadda Mareykanka kala hadleen arrinta cakiran ee xaawalahada geeska Afrika.

Waxaa kale oo iyaguna shirkan ka hadlay C/raxmaan Ciise Kaahin oo ka tirsan Jaaliyadda Reer Jabuuti, ahna ganacsade xirfadyahan ah iyo C/kariim Xassan oo ka tirsan Minnesota Chamber of Commerce. “Haddii Fursad la Helo Dariska ayaa Marka Hore loo Bandhigaa faa’iidadeeda,” ayuu yiri Kaahin.

Wafdigan ayaa sidoo kale ka soo qeyb galay xafladda mataaneynta magaaladda St. Paul oo ah caasimadda gobolka Minnesota iyo magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, Kuwaasoo hadda kaddib Wadaagi doona Xiriir Saaxiibtinimo iyo Walaalnimo

GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (1) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (2) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (3) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (4) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (5) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (6) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (7) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (8) GANACSATO SOMALI AH IYO DOWLADA JABUTI (9)