Kenya oo ka carootay War uu baahiyay TV-ga Mareykanka ee CNN raali galina ka dalbatay Tv-gaasi

0
124

Dowlada Kenya iyo shacabkeeda ayaa ka carooday War laga baahiyay Tv-ga caalamiga ee laga leeyahay Dalka Mareykanka CNN, waxa ayna Dowlada Kenya ka dalbatay maamulka Tv-gaasi in raali galin ka bixiyaan warka ay baahiyeen.

Tv-ga dowladda Mareykanka ee CNN ayaa baahiyay in Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama uu booqasho ku tagayo dalka ay ku xoog badan yihiin waxa ay ugu yeereen argagaxiso halis dhinaca amniga ahna ay ka jirto.

Shacaka Kenya ayaa baraha bulshada kuwada xariiraan waxa ay si caro leh uga jawaabeen Warka kasoo baxay TV-ga CNN , waxa ayan ka dalbadeen maamulka Tv-gaasi in uu deg deg raali galin uga bixiyo warka ay ka baahiyeen Dalkooda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in halista amni darada ee Kenya aysan ahayn mid gaar, waxa ayna tilmaantay in aysan wax ka jirin warka Tv-ga CNN laga baahiyay ee la xariiray in Kenya hooy u tahay argagaxiso.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa lagu wadaa maanta oo Jimco ah galinka dambe in uu booqasho taariikhi ah ku tago Dalka Kenya, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee dalka Kenya gaar ahaan Nairobi oo la geeyay in ka badan 10-kun oo Ciidamo Mareykan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here