Maamulka Koofur Galbeed Somaliya oo Furaya Dekeddaha Marka iyo Baraawe

0
226

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed C/llaahi Sheikh Xasan oo lahadlayay Warbaahinta  Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in Maamulka uu dhawaaf Furayo Dekeddaha ku yaala Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

C/llaahi Sheikh Xasan Wasiirka Ganacsiga Koofur Galbeed ayaa Arrintaas ku micneeyay in Gobolka Shabellaha Hoose uu yahay Gobol uu qeyraadkiisu badan yahay islamarkaana loo baahan yahay in Dadka Gobolka ku nool la hor mariyo.

Wasiirka ayaa Xusay in sidoo kale hadii dib loo furo  dekeddaha Baraawe iyo Marka ee Gobolka Sahebellaha Hoose laga maarmi karo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.