Madaxweynaha Galmudug”Puntland Dastuurka Qarank ayaan ku kala baxaynaa”

0
333

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Idaacada VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex jira Maamulkiisa iyo Maamul Goboleedka Puntland.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Puntland islamarkaana Labada Maamul muranka dhanka Xaduuda ah ee ka dhaxeeya ay ku kala baxaan Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed oo ah Marjaca kaliya hadii la is qabto Xal lagu gaari karo.

“Puntland waa Maamul Dariskeena ah waxaan dooneynaa in aan kula dhaqano Daris wanaag iyo Walaal tinimo,Galmudug Cadaw kuma ah Puntland,waxii qaldan in la saxo Galmudug waxaa ay u tahay Diyaar”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Marka laga soo tago Hadalka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug C/kariix Xuseen Guuleed oo ah in Dastuurka Soomaaliya ay ku kala baxayaan Puntland ayaa Maamulka Puntland waxaa ay horay u sheegeen in aysan Aqoonsaneyn Galmudug islamarkaana aysan wax wada hadal ah la gali doonin Maamulka Galmudug.