Meydka Wiil Soomaali ah oo laga helay Webi kuyaala magaallaadda Saint Cloud ee Dalka Mareykanka

0
244

Booliiska magaallaadda Saint Cloud Gobalka Minnesotta ee Dalka Mareykanka ayaa helay meydka wiil yar oo la la’aa maalin ka badan, Waxaana Meydka wiilkaasi laga helay Webiga Mississippi ee magaallaadda Saint Cloud .

Wiilka Meydkiisa la helay ayaa lagu magacaabi jiray Xamsa Cilmi waxaana Dad’idiisa lagu sheegay 6-sano jir, Wiilkan ayaana la waayay tan iyo khamiistii ,iyadoona ay socotay baadi goob loogu jiray helitaanka wiilkaasi.

Meydka Xamsa Cilmi ayaa laga soo saaray Wabi kuyaala magaallaadda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta , Ciidamada booliiska ayaana wada baaritaano la xariira waxyaabaha sababay geerida wiilkan Soomaaliyeed.

Qoyska Wiilkan yar ayaa murugo badan dareemay markii wiilkooda oo meyd ah wabiga laga soo saaray, waxa uuna wiilkan yar arday ka ahaa Dugsiga Hoose ee Madison Elementary School ee kuyaala magaalladda Saint Cloud.