Nin Dowladda Somalia ay dul-dhigtay Madaxiisa lacag oo sheegay inaanu ka mid ahayn Shabaab

0
347

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Dowladda Soomaaliya ku dartay liiska 12 nin oo ka tirsan kooxda Al shabaab oo madaxooga la dul dhigay lacag ayaa sheegay in aanu garanayn sababta  loogu daray liiskaasi argagixisada, isla markaana aanu ka mid ahayn ururka Al shabaab.

Muwaadinkaan oo ku Nool Magaalada Boorma ee Gobolka Awdal ayaa Warbaahinta u sheegay in aanu garanayn sababta liiskaasi loogu daray, isago xukuumadda Somaliland ku wargaliyey markii uu warbaahinta ka maqlay arrintaasi.

“Waxaa igu kallifay inaan idin la soo xidhiidho in aan bulshada gudaha iyo dibaddaba u sheego in waxaas ay sheegeen ee ah inaan Carabaha lacag uga soo Ururiyo oon hubka iyo dhaqaalaha u kala gudbiyo, aniga waa la I yaqaanaa oo waxaan ka soo jeedaa qoys caan ah, anna ma ihi qof waxaas iyo wax u dhigma toona lagu tuhmayo, waana dambi aniga iyo intaan metelaba laga galay”ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni oo BBC-da la soo xidhiidhay isagoo ka dacwoonayey arrintaasi lagu eedeeyey.

C/naasir Muxumed Xasan Buuni, oo la waydiiyay inuu xidhiidh la sameeyay xukumadda Muqdisho waxa uu ku jawaabay “Anigu awal horena xidhiidh lama lahayn, haddana meel lagala xidhiidho ma joogo oo anigu Koonfur ma joogo, waxaanan hadda ku suganahay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, dhalasho ahaanna qof halkan ka soo jeeda ayaan ahay”.

Wuxuu xusay in haddii uu lug ku leeyahay arrinta lagu eedaynayo aanu xilliganba joogen Somaliland oo khibrad u leh daba-galka Argagixisada, waxaanu ku macneeyay arrintaasi eedayn aan sal lahayn oo lagula dul kufay, isagoo xusay inuu doonayo in laga xaal mariyo gefka lagula kacay.

“Markii arrintani soo baxday waxaan markiiba la Xiriiray Guddoomiyaha Gobolka Awdal iyo taliyaha qaybta Booliska Awdal waxaanan u sheegay in arrintani jirto,markaa waxaan ahay nin ku xidhan dawladdiisa arrintana bari ka ah, markaa wax kasta oo lagula xidhiidhi karo Xukumadda Muqdisho oo iyaguna ku qancayaan dariiqeeda waa la marayaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, C/naasir Muxumed Xasan ayaa sheegay inuu la xidhiidhi doono Xukumadda Muqdisho isagoo kaashanaya dawladda Somaliland ee uu Muwaadinkeeda yahay; isla markaana arrintaasi ka dacwoon doono.

Si kastaba ha ahaatee, Telefishanka qaranka Soomaaliya ayaa laga sii daayey 12 Ruux oo lagu daray dad madaxooga lacag la dul saaray, waxaana muwaadinkan lagu eedeeyey inuu kooxda Al shabaab u xil saaran yahay dhaqaale ururinta iyo isu gudbinta hubka, waxaana la sheegay in haddii ninkaasi la soo qabto ama la soo helo halka uu joogo shan kun oo dollar la siin doono.

Hase yeeshee, C/naasir Buuni ayaa arrintan si adag u dadafeeyay isla markaana sheegay in caalamka iyo xukuumadda Somaliland u cadaynayo in aanu ka mid ahayn, isla markaana la og yahay maadaama oo qoys caan ah ka soo jeeddo.