Saxafigii ugu magac dheeray Telefeshinka Al-jazeera oo Xukun dil ah lagu xakumay

0
163

Maxkamada sare ee dalka Syria ayaa xukun dil ah ku riday Saxafiga caanka ah Dr. Feysal Qaasim.

Feysal Qaasim ayaa ka howlgala Telefeshinka Al-jazeera waxa uuna soo saara barnaamijka ”Itijaahul mucaakis” ee lagu lafa-guro Siyaasada Caalamka.

Dowlada Syria ayaa Saxafigaani caanka ah ku eedeeysay in uu yahay, Argagixiso ka shaqeeya kicinta shucuurta Carabta.

Saxafi Feysal Qaasim ayaa iska beri yeelay eedeymahan, waxuuna ku tilmaamay, waxba kama jiraan.

Feysal Qaasim ayaa inta badan doodihiisa Al-jazeera kusoo qaadan jiray Arrimaha ka taagan dalalka carabta gaar ahaan Syria, Liibiya iyo dhowr dal oo kale.

Waxaan la ogeyn go’aanka ay Dowlada Syria ka qaadan doonto xukunka lagu riday Feysal Qaasim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here