War Deg Deg ah:- Booliska Degmada Beledweyne Oo Soo Weraray Idaacada Hiranweyn Hawadana Ka Saaray

0
286

Taliska Booliska Degmada Beledweyne oo Hawada Kasaaray Idaacada hiiraanweyn ee magalada beledweyne

Taliyaha booliska degmada beledweyne cali dhuux cabdi mahad ale ayaa abaaro 02:dii duhurnimo ee manta ku amray shaqaalaha idaacada hiiraanweyn ee magalada beledweyne in hawada laga saaro idaacada iyadoo aanu taliyaha booliska degmada beledweyne aanu cadeyn sababta ka danbeysa in hawada laga saaro idaacada hiiraanweyn

Idaacada  hiiraanweyn oo ah idaacad ka shaqeeyso arimaha bulshada ayaa ka  mida idaacdaha ka howlgala magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan kuwooda ugu afka dheer ama ugu dhageeysiga badan gobolka.

Lama oga sababaha taliska  Booliska Degmada Beledweyne  ay idaacada hiiraanweyn  u xireen balse waxii kasoo baxa amarka lagu damiyay idaacada kala soco hiiraanweyn.net in sha allah