War Deg Deg Ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo Goordhaw la doortay

0
247

axaa goordhaw soo dhamaatay Wareega 3-aad ee Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug , waxaana ku tartamay labo Musharax oo isugu soo haray Wareegaasi ugu dambeeyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada Cod bixinta Doorashada Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug.

Waxa uuna Sheegay Gudoomiyaha in Doorashada uu ku guuleestay Musharax Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo helay Codad gaaraya 40-Cod halka Musharaxa kale Bashiir Diiriye Shariif uu isna helay Codad gaaraya 36-Cod

Waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug noqday Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo tartan adag la galay Musharixiin dhoor ah oo la tartamay, waxa uuna Musharaxan kasoo jeedaa Degmada Caabud-Waaq.

Musharax ku guuleestay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug ayaa waxaa watay Musarax Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxa uuna Musharaxan taageero hiil iyo hoo la garab taagnaa Kooxda Damul Jadiid.

Waxaana ugu dambeyn la dhaariyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey, waxaana Doorashada Madaxtinimo ee Galmudug ku guuleestay Kooxda Damul Jadid halka Kooxda Aalla Sheekh iyana ku guuleesatay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka.