Xarakada Al-shabaab oo isaga baxay Diinsoor iyo Ciidamada Huwanta ah oo Kaabiga ku haya

0
113

Wararka laga helayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee Is-kaashanaya ay kaabiga ku hayaan degmadaas, kaddib markii ay xoogaggii Al-shabaab isaga bixiyeen.

Ciidamada Huwanta ah ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin hadda meel 7-KM oo keliya u jirta Degmadaas oo ka mid ahayd Degmooyinkii ay Al-shabaab kaga Suganayd Gobolka Bay.

Diinsoor oo Qiyaastii 120-km u Jirta Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayay ciidamada isbahaysanaya waxay guluf ugu jireen maalmihii lasoo dhaafay sidii degmadaas ay uga Qabsan lahaayeen Al-shabaab.

Shacabkii ku noolaa degmada Diinsoor ayaa ka barakacay, iyagoo ka baqdin qabay inay ku dagaalamaan Xoogagga huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo la sheegayo in degmadu ay haatan tahay mid faaruq ah oo aysan dhinacna ku sugnayn.

Xoogaggii Al-shabaab ee ka baxay Degmadaas ayaan la ogeyn halka ay Aadeen, iyadoo Degmadan ay Noqonayso tii labaad oo ay ka baxaan Muddo 24-saac laga joogo, kaddib markii Shalay ay isaga baxeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay qabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.

Weli kama aysan Hadalin Al-shabaab ka Bixitaankeeda Degmada Diinsoor, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM aysan iyaguna kasoo saarin wax war ah ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Diinsoor.

Dhanka kale, Wararka laga Helayo Gobollada Bay iyo Gedo ayaa iyagana Sheegaya inay Al-shabaab dib ugu laabatay deegaanno ay horay uga Qabsadeen AMISOM iyo ciidamada Dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inay dib ula wareegeen 11 deegaan oo ku yaalla Gobollada Bay iyo Gedo, kuwaasoo ay horay uga qabsadeen ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee is-garabsanaya.

diin soor gobolka bay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here