Booliska Kenya oo su’aalo weydiinaya labo ruux oo Shabaab ku biiri rabay oo Kenya lagu qabtay

0
313

Booliska dalka Kenya ayaa su’aalo weydiinaya labo ruux oo laooga shakiyay iney doonayeen iney ku biiraan Alshabaab, kuwaasi oo ciidamada amaanka ee Kenya gacanta ku dhigeen xili qorshahaasi ay wadeen.

Ciidamada ka hortaga amni darada Kenya saraakiil u hadashay ayaa sheegay iney xireen haweenay iyo nin la socday oo ku sugnaa deegaanka Madogo ee dhaca gobolka xeebka Kenya una jira 3 km magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Sakariye Omwenga iyo Salma ayaa lagu xiray xabsi ku yaala deegaanka, sida saraakiisha ciidamada booliska dalka Kenya ay sheegeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in labada ruux ay ku sugnaa baaritaano dheeri ah , lana doonayo in muddo 7 maalin ah lagu soo idleeyo baaritaanka lagu sameynayo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in haweenayda la qabtay oo u dhalatay dalka Kenya ay ka tagtay magaalada Mombasa, waxaana la weydiinayaa su’aalo aadan waxyaabaha qasbay iney qaadato go’aanka ku biiritaanka Al-shabaab.
Waxaa haatan socota maxkamdeynta labada ruux iyadoo laamaha amaanka ay baaritaano ku wadaan labada ruux.