{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Booliska Somalia oo soo qabtay hub iyo dad la tuhmay

0
363
Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa hawgal ay ka fuliyeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxa ay ku sheegeen in ay ku qabteen walxaha qarxa iyo ragii diyaarinayay guri ku yaala degmada Yaaqshiid.

Koox ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran oo wata eeyaha wax uriya, ayaa habeen hore saqdii dhexe u dhacay gurigan laga helay waxyaabaha qarxa iyagoo soo xiray kow iyo toban qof oo la tuhmayo.
Taliye kuxigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Mukhtaar Afrax ayaa sheegay, inay in mudo ahba daba socdeen guriga la helay iyo dadka lagu soo qabtay isagoo ku sheegay tirada dadka lagu soo xiray hawlgalkan saddex ruux.
Howlgalkaan ayeey ciidamada Booliska ka sameeyeen aqal ku yaallo Degmada Yaaqshiid oo lagu soo qabtay hubkaan iyo dadkii diyaarinaayay.