{DAAWO SAWIRADA} Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Nairobi oo kala saxiixday Heshiis dhanka Iskaashiga ah

0
221

Duqa Muqdisho, Xasan Max’ed Xuseen Muungaab iyo Duqa Nairobi, Evans Kidero ayaa maanta kala Saxiixday Heshiis is-kaashi oo Dhex-maraya Dowladaha Hoose ee Nairobi iyo Muqdisho.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreysay oo ay Magaalooyinka Caasimadaha u kala ah Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdaan, iyadoo heshiiskan uu imaanayo Xilli Kenya ay doonayso in Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.

“Waxaan yeelannay kulammo dhowr ah; waxaana ka wadahadalnay howlaha ay Qabtaan Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Nairobi, Waxaana markii dambe soo saarnay heshiis is-afgarad oo ku saabsan inay xiriir wanaagsan yeeshaan labada magaalo iyo maamul-ladooda, kuwaasoo la isku dhaafsan doono khibrado,” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlay heshiiska.

Sidoo kale, Waxyaabaha heshiiska Qaybta ka ah waxaa ka mid ah in Muqdisho iyo Nairobi ay xiriir wanaagsan yeeshaan, inay waayo-aragnimo is-dhaafsadaan iyo in la isku dhoofiyo xirfadaha la’is-dheeryahay.

Dowladda Hoose ayaa sidoo kale la sheegay in laga caawin doono dhanka qashin ururinta, bulaacadaha iyo waliba maamul-wanaagga sida uu sheegay Muungaab oo Warbaahinta kula hadlayay Nairobi.

“Qodobbada kale ee aan isla garannay waxaa ka mid ah Muqdisho laga taageero Maamul-wanaagga, maareynta Qashinka, maamulka dhulka, biyaha, korontada & dimuqraadiyada,” ayuu hadalkiisa raaciyay Duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn, Muun-gaab ayaa sheegay in Duqa Nairobi, Evans Kidero ayaa loo fidiyay Casuumaad uu kusoo booqdo Magaalada Muqdisho, balse lama sheegin xiliga uu imanayo Muqdisho.

 

(1) (2) (3) (4) (5)