{DAAWO SAWIRADA} FAAHFAAHIN: Doorashadii Madaxnimo ee Maanta ka Dhacday Kismaayo

0
345

Doorashadii Hogaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu soo Gunaanaday Hoolka Shirarka Xarunta Caymiska ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ay Goob-joogayaal ka ahaayeen xubno ka socday baarlamanka Soomaaliya, wakiilka IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afeey, wakiilo ka socday DF Somalia iyo Marti sharaf kale.

Doorashadan oo uu 68 cod oo kamid ah 74-ta cod ee xubnaha baarlamanka Jubbaland uu ku guuleysatay Mudane Axmed Madoobe ayaa markii ay soo idlaatay waxaa isla goobta lagu dhaariyay madaxweeynaha loo doortay Jubbaland, kaasoo sida ay gudigu sheegeen xilka heyn doona afarta sano ee foodda nagu soo heeysa.

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Somalia, C/rashiid Xiddig oo ku Hadlayay Magaca dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan madaxweeynaha loo doortay Jubbaland, isagoo xusay in ay la shaqeyn doonaan.

“Si buuxda oo kal iyo lab ah oo aan kala har lahayn ayaan ula shaqeyn doonnaa,” ayuu yiri Mas’uulkan, wuxuuna intaas ku a in beesha caalamka uu ugu baaqayo in ay garab istaagaan maamula Jubbaland.

Maxamed Afeey, wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka Urur ahaan ay soo Dhaweeynayaan Doorashada ka Dhacday Kismaayo, isagoo Sheegay in habka ay doorashadu u dhacday ay ahayd hab Dimuquraadi ah, wuxuuna sheegay inay soo dhaweeynayaan natiijada kasoo baxday doorashada.

Mas’uulkan ayaa sheegay in ka urur ahaan aysan aqbali doonin in xoog wax lagu maamulo waa siduu hadalka u dhigaye, isagoo sheegay in cid waliba oo isku dayda in ay nidaam jira carqaladeeyso tallaabo ka qaadi doonaan.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha la doortay ee Jubbaland ayaa isla goobta lagu dhaariyay, isagoo khudbad gaaban oo uu goobta ka jeediyay ku sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dib u heshiisiinta, islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii ay u qancin lahaayeen cid walba oo wax ka tabaneeysa.

Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland ayaa la filayaa in 20-maalmood Gudahooda uu ku soo Magacaabo Madaxweyne ku Xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirrada ee uu yeelan doono Maamulka Hoggaankiisa loo doortay.

Dhammaan Xildhibaannadii Dowladda Soomaaliya iyo Marti sharaftii kala Duwaneyd ee Munaabadda ka Hadlay ayaa soo Dhaweeyay Doorashada Madaweynenimo ee ka dhacday Magaalada Kismaayo.

dorashadii axmed madoobe  (1) dorashadii axmed madoobe  (2) dorashadii axmed madoobe  (3) dorashadii axmed madoobe  (4) dorashadii axmed madoobe  (6) dorashadii axmed madoobe  (7) dorashadii axmed madoobe  (8) dorashadii axmed madoobe  (9) dorashadii axmed madoobe  (10) dorashadii axmed madoobe  (11) dorashadii axmed madoobe  (12) dorashadii axmed madoobe  (13) dorashadii axmed madoobe  (14) dorashadii axmed madoobe  (15)dorashadii axmed madoobe  (15) dorashadii axmed madoobe  (14) dorashadii axmed madoobe  (13) dorashadii axmed madoobe  (12) dorashadii axmed madoobe  (11) dorashadii axmed madoobe  (10) dorashadii axmed madoobe  (9) dorashadii axmed madoobe  (8) dorashadii axmed madoobe  (7) dorashadii axmed madoobe  (6) dorashadii axmed madoobe  (4) dorashadii axmed madoobe  (3) dorashadii axmed madoobe  (2) dorashadii axmed madoobe  (1)