{DAAWO SAWIRADA} Heshiiska Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo SH. Dhexe oo la Saxiixay

0
292

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu saxiixay Heshiis ku Saabsan Habka Maamul u sameynta Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo Munaasabadii saxiixa heshiiskan uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Heshiiskan ayaa waxaa wada Saxiixay xubnaha golaha wasiirrada ee deegaannadaas kasoo jeeda, Guddoomiyeyaasha labada Gobol iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka XF, Waxaana Goob-joog ka ahaa xubno ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaar ka mid ah Dublamaasiyiinta Caalamka ee ka Holwgala Dalka.

Xasan Sheekh oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka wax-tar u leh.

“Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taasoo qeyb ka ah baahinta Xukunka. Saxiixa Heshiiska Maanta wuxuu soo Af-jarayaa Gobolladii aan weli Maamulka loo Sameyn. Wixii Maanta ka Dambeeya waxaa noo Billowday Fursad cusub oo ah inaynu helno Mas’uuliyiin aan kula xisaabtanno taako kasta oo dhulkeenna ka mida ah,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweynaha Somalia sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay Garab-istaagi doonto Maamullada ka jira Dalka oo Dhan. Isagoo yiri. “Tallaabada Midda xigta Waxay noqon doontaa inaan u Is-taagno Xoojinta Maamullada jira. Waxaan dhiirri-gelinayaa in lagu tartamo Horumarka, dib u Heshiisiinta iyo Wada-tashiyada. Waddadaas ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waana inaan iska ilownaa wixii horay noosoo marey, khibradda aan ka dhaxalnayna aan u adeegsanno inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay Beesha Caalamka inay Soomaaliya Gashay Marxalad Cusub oo ka duwan tii hore, isla markaana wixii Haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Dhanka kal, Xasan Sheekh ayaa Ammaan uu u jeediyay Beesha Caalamka, AMISOM iyo dhammaan Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku Taageeraya Dagaalka lagu Cirib-tirayo Al-shabaab.

“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dadka Shacabka ah ee ku Waxyeelloobay Dagaallada dalka looga sifeynayo Cadowga. Mar walba oo uu Dagaal dhacana waxaa jira khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Waxaan marar badan kala hadlay… mar kastana aan ku adkeeyaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM inay ka fogaadaan waxyeello shacabka la gaarsiiyo. Waxay labadan dhinac kulan deg-deg ah oo aan la qaatay iigu xaqiijiyeen inay Sharciga u Hoggaansamayaan, isla markaana la dhawri doono Shacabka, lagana fogaan doono in wax-yeello soo gaarsiin kara.’’

Dhanka kale, Xafladda Saxiixa Heshiiska ayaa Waxaa ka Hadlay Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Dublamaasiyiin Caalamka ka kala Socday iyo Weliba Madax kale oo Munaasabadda Goob-joog ka ahaa.

Ugu dambeyn, Shirka Maamulka loogu dhisayo Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa la Filayaa inuu Rasmi ah u Furmo 01-da September, lana soo Gaba-gabeeyo 01-da December, 2015-ka, markaasoo lagu wado inay dhacdo xafladda

5 4 3 2 1