{DAAWO SAWIRADA} Horyaalka Premier League oo furmay: Man United oo guul gaartay iyo Chelsea oo bar baro lagu qabtay

0
334

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, iyadoo lix kulan la ciyaaray, waxaana kulamada qaar ay ahaayeen kuwo aad isha loogu hayay.

Manchester United oo lagu bilaabay ciyaartii u horeysay ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford gool iyo waxba uga badisay kooxda Tottenham.

Ciyaartan ayaa il gaar ah lagu haayay, maadaama Manchester United ay xilli ciyaareedkan ay soo iibsatay xidigo dhowr ah.

Man United ayaa qeybtii hore heshay gool, kaasoo ahaa mid lagu abaal mariyay, kadib markii daafaca Tottenham Walker uu iska dhaliyay, waxaana intii uu is lahaa kubadda uu Rooney goolka ku laadi rabay ka badbaadi, isagoo ayaa shabaqa isaga dhajiyay.

Tottenham ayaa dadaal u gashay sidii ay goolkaas isaga soo gudi laheyd, balse uma aanay u suura galin, waxaana ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay Manchester guul kula bilaabatay.

Sidoo kale ciyaarihii kale ee xiisaha lahaa waxaa ka mid ahaa tii dhex martay Kooxaha Everton iyo Watford oo ku dhamaatay 2-2, waxaana kooxda Watford ay ka soo laabatay kooxaha heerka labaad.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Chelsea ayaa bar bar dhac 2-2 la gashay kooxda Swansea City, kadib ciyaar xiiso laheyd, waxaana Chelsea kaarta cas laga siiyay goolhayahooda Thibaut Courtois, markii uu qalad ku galay ciyaaryahan Gomis.

Chelsea ayaa hogaanka ku horeysay waxaa u bilaabay goolka Oscar, balse waxaa bar bareeyay ciyaaryahanka ku cusub Horyaalka Premier League Andrew Ayew, waxaana Chelsea gool labaad u dhaliyay Willian, taasoo aheyd mid ku dhacday daafaca Swansea, waxaase lagu bar bareeyay rigoore uu keenay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois, kaasoo ciyaartana laga saaray, iyadoo rigoorahaas uu gool u bedelay Bafetimbi Gomis.

Waxaa maalinta berri jira ciyaaro kale oo xiiso leh, waxaana ka mid ah ciyaarta dhex mareysa kooxaha Arsenal iyo Westham United, sidoo kale waxaa wada ciyaari doona kooxaha Newcastle United iyo Southampton, Stoke City iyo Liverpool.

EPL (14)EPL (12)EPL (10)EPL (9)EPL (8)EPL (7)EPL (6)EPL (5)EPL (4)EPL (3)EPL (2)

Cali Nuur Cismaan
Arimaha Cayaaraha Ee Radio Hiiraanweyn