{DAAWO SAWIRADA} Munasab lagu daah furayey ollolaha talalka xoolaha oo manta laga luqabtay magalada jowhar

0
662

Gudomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo hormarinta gobolka sh/dhexe muxumed sugaal cisman ayaa maanta daah-furay tallaalka xoolaha oo sanadkan diiradda lagu saarayo cudurada Jadeecada iyo Furuqa.talalkaan aya soconaya shan iyo tobanka agoosto illa laba iyo labatanka oktober guut ahan gobolada SH/dhexe  Hiiraan.iyo Galgaduud

Gudomiye  Ku Xigenka Oo halkaasi ka Hadlay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga hortago cudurada xoolaha, maadama Soomaalida intooda badan dhaqaalahooda ku tiirsan yahay xoolaha nool, sidoo kale gudomiye ku xigeenka aya kulla dardarmay kaso qeyb galayasha iney gacan kusiyaan dhaqatirta fulineysa howsha talalka.

Dhinca Kale Gudomiye ku xigeenka Abniga iyo siyasada mamulka G/SH/DHEXEA xmed meyre makaran ahna KU simaha gudomiyaha gobolka ayaa sheegay in sanadkan xooga la saaro ciribtirka Cudurada Jadeecada iyo Furuqa, kaasoo laga tallaali doono Hal Malyan iyo boqol kun Neef,oo isugu jirra Arri cad iyo Iddo  waxaana laga tallaalayaa Cudurka Jadeecada, iyo Furuqa.

Munaasibadda lagu daahfurayay mashruucaan tallaalka iyo daaweynta iskugu jirta ayaa waxaa kaso qeyb galay madaxda  Xanaanada xoolaha,iyo dhakhatiirta Hayada Salerba oo howsha gacanta ku haysa iyo saraakiil ka socday Hay’adda FOA oo dhaqaalaha ka caawinaysa,

 

IMG_1711 IMG_1719 talaalka xolaha ayaa laga bilabay jowhar  (2) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (3) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (4) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (5) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (6) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (7) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (8) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (9) talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (10)

 

talaalka xolaha oo manta loga bilabay jowhar  (1)

Cabdi Fitaax  Nuur Saney {Socdaal}

Radio Hiranweyn Jowhar Sh/dhaxe