{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha oo maanta soo xiray kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka dalka

0
313

Waxaa magaalada Muqdishu lagu qabtay kulan wada tashi balaaran iyo kala warqaadasho ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo ururadda bushadda rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka waxaa ka soo qaby-galay 60 xubnood oo ka kala socday Ururadda Bulshada Rayidka kana yimid Puntalnd, Jubbland, Galmudug, Koonfur-Galbeed , Banadir, Hiiraan iyo Shabelle dhexe, xubno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Wasiiro, gudiga lasocdka baarlamanka ee dib-u-eegista dastuurka, gudiga madaxbanaan ee dib-u-eegesta iyo hergelinta, iyo xubno ka tirsan Qurbo joogta Soomaaliyeed.
Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd;

• Kor u qaadista wacyiga ururudda bulshada rayidka ee la xirirta dib-u-eegista dastuurka iyo la socodsiinta howlaha u qabsoomay Xukuumadda Federraalka Soomaaliya.

• Wadatashi la xriira sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ururadda bulshada rayidka ee arimaha dib-u-eegsista dastuurka iyo xiriirka wada shawayn ee ka dhaxeeyn kara xukumadda federaalka Soomaaliyeed.

• Sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo dib-u-eegista dastuurka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhamaan dalka oo dhan iyada oo lala kaashanayo ururada bulshadda rayidka.

Kulankaan oo uu ka soo qayb-galay furitaankiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, islamarkaana uu sooxiray Ra’isul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Ali Sharmarke, waxaa uu ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay ka soo qayb-galaan ururdada bulshada rayidka oo ka kala yimid dhamaan dalka oo laguna qabtay magalada Muqdishu. Ka soo qayb-galka labada mas’uul waxa ay ay astaan u tahay sida Dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay in Dastuurka howlahiisa la meel-mariyo lana soo afjaro xiligii loo qorsheeyay iyada oo shacabka Soomaliyeed si buuxda loogana tashanayo loona gaarsiinaayo.

Kulanka wadatashiga ka dib, waxaa ururada bulshadda rayidka ah iyaga oo la tashanaya Wasaaradda Arimah Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku qoran;

1) Waxa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.

2) In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga la socodka Baarlamaanka ee dib-u-eegista dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee dib-u-eegista iyo hergelinta dastuurka iyo bulshada rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka

3) Si loo sahlo wadashaaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo ururada bulshadu rayidka waxaa ay kala saxiixan doonaan nuqul isfaham (MoU) oo ay ku cadahay wadashaqayntooda.

4) Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.

5) Dastuurku waa in lagu qoraa luuqadda afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo fahamkiisa.

6) Waxaaa la magacaabayaa Guddi talo bixin (Advsiory Group) oo ka kooban xubno matalaya ururadda bulshada rayidka oo si joogta ah ula taliya Wasaaradda Arimaha Dastuurka.

7) Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka fariimaha lagu baahinayo aalahada warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.

8) Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa In la qabto kulamo balaaran (town hall meetings) oo lagu falanqeynayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga ah.

9) In bulshada rayidka ah gaar ahaan ururadu qaabaysan ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha

10) In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda

11) In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas

12) Waan in bulshadda baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.

13) Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka.

14) Maamuladda dalka ka jiraa waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo faafinta dastuurka.

Wasaarada Dastuurka ayaa u mahad-celisay dhaamaan ka qayb-galayasha ka kala yimid dalka oo dhan, qaban-qaabiyayaasha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gacanta ka gastay in uu si guul ah ku dhamaado.