{DAAWO SAWIRADA} RW Somalia oo Magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha

0
266

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ee Soomaaliya u Qaabilsan Horumarinta Xaquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha, Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Taariikhdu markay ahayd 20-kii bishan Ogoosto 2015-ka.

Magacaabista oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Difaaca, Wasiirada Caafimmaadka iyo Wasiir ku xigeenka, Wasiiradda Xuquuqda Haweeynka iyo Xuquuqal Insaanika, iyo Xildhibaanno.

Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka shaqeeya Xafiiska RW Somalia, Khubaro ka shaqeeya Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha oo ka kala socday Wadamada Bariga Afrika oo ay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji horay ugala shaqeyn jirtay Arrimaha Carruurta iyo Tahriibayaasha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, RW Sharma’arke ayaa ka warbixiyay ujeeddada ka dambeysa Magacaabista Ergeyga Gaarka ah oo ah jago muhiim ah, maadaama carruurta iyo tahriibayaasha ay yihiin dadka ugu nuqul bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka dhawaajiyay in carruurta gudaha dalka Jooga iyo kuwa ku sugan xeryaha qoxootiga ee Wadanka Dibaddiisa intaba ay yihiin kuwo dhibaatooyin kala duwan qaba.

Ergayga_Carruurta_iyo_Tahriibayaasha (3) Ergayga_Carruurta_iyo_Tahriibayaasha (2) Ergayga_Carruurta_iyo_Tahriibayaasha (1)