{DAAWO SAWIRADA} Shirka Baladweyne Oo Lagu Wado In Uu Dib U Furmo Iyo Qurbajoogta Oo Bilaawday In Ay Baladweyne Tagaan

0
477
DCIM100MEDIA

Xili mudooyinkii ugu dambeyay magaalad Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ay ku soo qul qulayeen Xildhibaano Siyaasiinta ka qeyb galay shirka dib u heshiisiinta beellaha dega Gobolka Hiiraan ayaa manta Garoonka diyaradah ugaas khaalif waxaa si weyn loogu soo dhaweyay qurbo joog ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Munaasabada soo dhaweyn ah oo loo sameyay qurbo Joogta maanta soo garay Magaalada Baladweyne ayaa wax ka qeyb galay waxgarad odayal haween dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qar ka mid ah odayashii k qeyb galay munaasabada ayaa wafdiga qurbo jooga faah faahin ka siiyay halka uu maray shirka dib u heshisiinta beellaha dega Gobolka Hiiraan iyago sheegay  in shirka uu  hakad uu ku yimid bishii Ramadaan islaamrkanaa dhawan la filayo in dib loo bilaabo.

Gudoomiyaha qurbo jooga Gobolka Hiiraan Mudane Tawane sabriye  Fiidse oo Hogaaminaya wafdiga qurbo joogta ayaa sheegay in loo bahan yahay in dadka reer Hiiraan ay ka tashadan Aayahood.

Booqashada xubnaha maanta soo garay Magaalada Baladweyne islamarkana ka socda qurbo joogta reer Hiiraan ee dalka dibadiisa ayaa imaaya Xili maagalada Baladweyne laga dareemayo diyaar garowga shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

1  3452678910111213161718

Cabdi Wali Xuseen Tawakal 

Radio Hiranweyn Baladweyne