{DAAWO SAWIRADA} Weeraro lagu qaaday Qunsuliyada Mareykanku ku leeyahay Istanbuul iyo Xarun Booliis

0
314

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay aroortii hore waxa ay weerar ku qaadeen Qunsuliyada Dowlada Maraykanka ku leedahay magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Kooxihii weeraray Qunsuliyada ayaa rasaas ku furay dhismaha Qunsiliyada, waxaana iska caabin sameeyay oo iyana rasaas furay ilaalada Qunsuliyada Dowlada Maraykanka ku leedahay magaalada Istanbuul.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday ay ku jirto ruux haweeney ah, waxa ayna kooxdaasi dura ka baxsadeen goobta ay qunsuliyada ku taalo. waxaana hada socda baadi goob loogu jiro kooxdaasi.

Dhinaca kale waxaa xalay Saqdii dhaxe weerar bambaano loo adeegsaday lagu qaaday xarun Ciidamada booliiska ku lahaayeen xaafada Sultanbeyli ee duleedka magaalada Istanbuul.

Qaraxan Bambaano ee lagu weeraray xarunta booliiska waxaa ku dhaawacmay 7-qof oo shan kamid ah ay yihiin Ciidamada booliiska iyo labo qof oo shacab ah,waxaa sidoo kale qaraxa bambaano ka dhashay qasaaro kale sida bur bur.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan bambaano, waxaana la tuhmayaa in weerarkan ka dambeeyeen kooxda PKK oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro kale duwan oo askar lagu dilay ka fulisay qeybo kamid ah Dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa hada dagaal gacmaha la gashay waxa ay weeraro kala kulmayaan Kooxda PKK iyo Kooxda Islaamiga ee Daacish, waxaana Dowlada Turkiga iyana bilowday in ay duqeyso xarumaha ay Kooxahaasi ku leeyihiin dalalka Siiriya iyo Ciraaq.