Dad lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha weerarkii Jaamacada Gaarisa oo la xiray

0
264

Wasaarada arimaha gudaha iyo xiriirka caalamiga ee dowlada Kenya ayaa ka hadashay howlgal labo maalin socday oo ciidamada amaanka ka fulinayeen magaalada Gaarisa, kaasi oo lagu qabtay labo ruux oo lala xiriiriyay Al-shabaab.

Sida wasaarada ay sheegtay howlgalka ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa ujeedadiisa lagu sheegay iney aheyd in looga hortago weeraro la qorsheynayay oo lala damacsanaa in laga fuliyo deegaanada magaalada Gaarisa.
“Labada ruux ee lagu xiray Gaarisa waxa lala xiriirinayaa Maxamed Kuno oo oo yaqaan “Gacmadheere”, sidaa ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Kenya.
Maxamed Kuno, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay ruuxii ka dambeeyay fikradii lagu weeraray magaalada Jaamacada Gaarisa oo sababay dhimashada 148 ruux, oo badankood arday ahaa.
Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay inta howlgalka socday in gacanta lagu dhigay hub iyo qasnado rasaas ah oo laga qabtay xaafadaha magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Ugu dambeyn wasaarada arimaha gudaha Kenya ayaa cadeysay in lasii kordhin doono baaritaanada dhanka amaanka inta laga guuleysanayo dadka amni darada geysanaya.