Dagaal culus oo saakay dhax maray Ciidamada Dowada iyo Dagaalyanahada Al-Shabaab

0
230

Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saakay aroor hore dagaal culus uu dhax maray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Qodaxey oo kuyaala Duleedka Degmada Garbahaarey, waxaana deegaankaasi weerar kula soo jarmaaday dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa deegaanka la weeraray iyo Dagaalyahanada Al-Shababa ayaa halkaasi waxaa ku dhax maray dagaal culus oo in mudo ah socday, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in labada dhinac ay kala gaareen qasaarooyin.

In ka badan 5-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka saakay ka dhacay Duleedka Degmada Garbahaarey, waxaa sidoo kale jira qasaarooyin dad rayid ah kasoo gaaray dagaalkaasi.

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada oo kusugan Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen Deegaanka Qodaxey oo fariisin u aheed ciidamo katirsan Dowlada, waxa uuna intaa ku daray in ay iska caabiyeen Al-Shabaab ayna qasaarooyin gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin dagaalka saakay ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Garbahaarey, weerarkan ayaana imaanaya xili maalmo kahor Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Deegaanka Geriley ee Gobolka Gedo, halkaas ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo katirsan Dowlada.