Diyaar Garowgii Ugu Danbeyay Ee Doorashada Jubbaland Oo Kismaayo Kasocto Iyo Natiijada Oo La ogyahay

0
270

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw la filayo in Xarunta Caymiska Magaalada Kismaayo ay ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Doorashada waxaa ku tartamaya ilaa afar musharax , waxaana la saadaalinayaa inta badana lawada ogahay in dooarshada uu ku guueesan doono hogaamiyaha dooran ee Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Doorashadan ayaan aheyn mid xiiso badan oo indhaha lagu wada hayo , waxaana qof walbo u muuqata natiijada ugu dambeysa ee doorashada kasoo baxeysa oo lagu dooran doono Sheekh Axmed Madoobe oo isagu dhisay Baarlamaanka maanta wax dooranaya.

Amaanka Magaalada Kismaayo gaar ahaan halka ay ka dhaceyso doorashada ayaa amaabkeeda si wen loo adkeeyay, waxaana saakay inta badan hakad ku jira dhaq dhaaqyada ganacsi iyo kuwa kale ay sameenayaan dadka caadiga ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka aan kalsoonida heysan ee Jubbaland ayaa kusii qul qulaya xarunta ay doorashada ka dhaceyso, waxaa sidoo kale halkaasi kusugan erooyin iyo dadweyne kale oo doonaya in ay arkaan sida ay doorashada u dhaceyso.