Dowlada Kenya oo sheegtay inaysan xakameyn karin dhalinyarada Kubiraa Shabaab iyo Daacish

0
215

Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegtay in dhalinyarada Kenyatiga ah maalin waliba sideed saacadood oo ka mid ah waqtigooda ay ku bixiyaan inay booqdaan Website-yada dhalinyarada looga tashkiilo inay ku biiraan Ururada Islaamiyiinta ah.

Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu sheegay dhalinyarada ugu badan ee Kooxda Shabaab iyo Daacish ku biira inay yihiin kuwa da’dooda u dhaxeysa 20-sano ilaa 25-sano.
Waxa uu sheegay in dhalinyarada ay ugu sahlanaato ku biirista Al Shabaab iyo Daacish inay si fudud Internetka uga helaan macluumaadka ku saabsan kooxahaasi, kadibna tishkiilan badan lagu sameeyo oo ay ku biiraan Kooxahaasi.
Dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa waxa ay ku biireen Ururka Al Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ilaa hada ka bar bar dagaalama Ururadaasi.
Al Shabaab ayaa weeraro ka geysta gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Shabaab dad badan oo Kenya ah ay ku dileen.