Ehelada Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay Canada oo ka hadlay dilka Wiilkooda

0
312

Qoyska Kabil Cabduqaadir oo Axaddii hore lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada iyo booliska magaalada Toronto ayaa si wadajir ah maanta ula hadlay warbaahinta, iyagoo faah-faahin ka bixiyay dilka marxuumka.

Fowsiya Xasan oo ah hooyada Kabil oo ay wehliyeen qaar ka tirsan carruurteeda ayaa sheegtay in saacado ka hor dilka ay wada hadleen wiilkeeda, iyadoo xustay inay tahay wax laga xumaado in wiilkeeda oo aanan waxba galabsan lagu dilo bartamaha magaalada Toronto.
Waxey ka codsatay booliska magaalada Toronto iyo jaaliyadda Soomaalida inay u sitaagaan sidii ay u heli laheyd caddaalad, gacantana loogu soo dhigi lahaa dambiilaha.
Fowsiya ayaa sheegtay in sanadkii hore wiilkeeda ay u dirtay Soomaaliya, balse markii dambe ay dib ugu soo celisay magaalada Toronto.
Joyce Schertzer oo u hadashay booliska magaalada Toronto ayaa sheegtay inay wadaan baaritaan, iyadoo ka codsatay dadkii ka ag dhawaa goobta inay booliska ku wargeliyaan haddii ay hayaan macluumo ku saabsan dambiilaha.
Kabil Cabduqaadir oo 27 sano jir ahaa ayaa la sheegay in qofkii dilay uu baxsaday, iyadoo dilka uu ka dhacay bartamaha magaalada.

muwaadin somali ah oo canada lagu dilay