Golaha Wasiirada oo Guddi u saaray baaritaanka xasuuqii ay AMISOM u geysteen dad shacab ah

0
281

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dib u eegis lagu sameyn doono Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo tacadiyo ay Ciidanka AMISOM dad shacab ah ugu geysteen magaalooyinka Marka iyo Xudur ee Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool.

Kulankan ayaa waxaa warbixino loogaga dhageystay Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte

Ciidamada AMISOM ayaa xasuuq u geystay dad ka badan lixdan ruux oo ku noolaa Xudur iyo Marka, iyadoo dhacadadii u dambeysay aheyd maalin ka hor markii dad isku qoys ahaa ku laayeen gudaha magaalada Marka.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in loo saaray Guddi soo baara oo xaqiiq raadin ku sameeya dhacdooyinkaas, inkastoo aan lagu dhawaaqin xubnaha Guddigan.

“Guddi xaqiiq raadin ah ayaa loo xilsaaray arrintaas iyo tacadiga ay geysteen AMISOM, waxaa la baarayaa, sida wax u dhaceen, wixii ay la soo kulmaan guddigaas ayay Golaha Wasiirada horkeeni doonaan”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Warfaafinta oo la hadlay Idaacada VOA.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay inay cabasho kaga timid dadka shacabka, taasna ay keentay in Golaha Wasiirada ka doodaan, isla markaana Guddi soo baaro loo saaro tacadiyadaas.

Culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiyada ay Ciidamada AMISOM u geysteen dad shacab ah, iyadoo dadka ku nool magaalada Marka ay ku eedeeyeen Ciidamada AMISOM in si gardaro ah ay dad aan waxba galabsan ugu laayaan gudaha magaalada, xilliyada ay gudaha u soo galaan.