Golaha Wasiirada oo walaac ka muujiyay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha

0
298

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo xaaladda siyaasadeed ee cusub ee uu dalka galay.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana lagaga hadlay xaalada siyaasadeed, mid amni ee dalka, iyadoo gaba gabadii laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Golaha Wasiirada ayaa dareen ka muujiyay dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Madaxweynaha.

Sidoo kale Goluhu ayaa tallaabadaas u arkay inay si weyn u dhantaaleyso arrimahan hoos ku qoran:-
a)Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.

b)Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.

c)Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 206, gaar ahaan taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.

d)Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

e)Kobaca dhaqaale ee dalka.

Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa u soo jeediyay xubnaha Golaha Baarlamaanka in loo baahan yahay in si mideysan looga gudbo xiliga kala guurka ah ee 2016 iyo inaan mar kale la sameyn khaladaadkii horey loo sameyn jiray xiliga dhammaadka muddada Dastuuriga ah.