Maamulka galmudug oo faah faahin kabixiyay xariga Madaxweyne Ku xigeenka Ahlu suna Waljameeca

0
341

Ciidamada Nabad Sugidda Dowlada Soomaaliya ee Degmada Cadaado ayaa Maanta Xeray Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ahlu sunna C/llaahi Diirshe Daacad ka dib markii ay ka qabteen qeybo ka mid ah Cadaado.

Maamulka Cadaado ayaa Xariga Madaxweyne ku xigeenka ku sheegay ka dib markii uu Warbaahinta ka sheegay hadalo lidi ku ah Maamulka Galmudug iyo Dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Cadaado ee Maamulka Galmudug C/llaahi C/raxmaan oo lahadlay warbaahinta  magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay Xariga Madaxweyne ku xigeenka ee Maamulka Ahlu Sunna.
Todobaadkan gudihiisa ayaa Madaxda Maamulka Galmudug waxay sheegeen in ay Wada hadal la furayaan Maamulka Ahlu sunna ee dhaliilsan Maamulka ka taliya Cadaado ee Galmudug.