Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Marka

0
370

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa gaaray maanta Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Ammaanka Magaalada Marka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashaday ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, C/qaadir Nadaara ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu geeyay Magaaladaasi Maamulka cusub ee Degmada Marka.
Shariif Xasan ayaa waayahan wuxuu socdaal ku maraayay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada uu ka taliyo

shariif xasan