Qarax Ay Ku Dhinteen 4 Qof 10Kalena Ku Dhaawacmeen O o Ka Dhacay Yeman

0
303

Weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa inuu dilay afar ruux iyadoo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xafiisyo loogu isticmaalayay inay xarun kummeelgaar ah u noqoto guddoomiyaha deegaanka, Nayef Al-bakri oo weerarkaasi ka badbaaday.

Magaalada Cadan ayey billo ku dagaallamayeen falaagada Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda taageersan iyo isbahaysigooda. Balse dhinaca dowladda oo ay Sucuudigu taageerayaan ayaa ku gacan sareeyay dagaalka ilaa muddo bil ah iyagoo falaagada dib uga bixiyay magaalada.