Saddex Wariye oo Al-Jazeera u shaqeeya oo la xukumay

0
338

Maxkamad dalka Masar ayaa ku xukuntay saddex wariyayaal oo ka tirsan Aljazeera TV saddex sanno oo xarig ah.

Dacwada Maxamed Fahmy, Peter Greste iyo Baher Maxamed ayaa lagu helay danbi ah inay sheegeen war qalad ah iyo inay caawinayeen ururka Akhwaan Muslimiinyta oo hadda la mamnuucay.
Baher Maxamed ayaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dheeraad ah.
Xukunkaan ayaa dhacay maanta oo Sabti ah, kadib markii Wariyeyaashaan ay kasoo muuqdeen Maxkamada.