Sanadka 2015 oo noqday sanadkii ugu dhimashada badnaa dalka Afghanistan

0
218

Warbixin ay soo bandhigtay Howl galka Qaramada Mdoobey ee dhinaca dhowrista dadka rayidka ee goobaha colaada ee loo soo gaabiyo UNAMA ayaa lagu sheegay in sanadkan 2015 uu yahay sanadkii ugu dhimashada badnaa dalka Afghanistan.

Sida lagu sheegay warbixinta sanadkan 2015 bartamihiisa ee ay soo saartay illaa 4,921 qof ayaa ku dhintay colaadaha dalkaas ka jira, waxaana dadkan ay dhibaatooyin ka soo gaartay weerarada iyo qaraxyada ka dhacayay dalkaas lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Dhimashada 1,592 qof iyo dhaawaca 3,329 ayaa ka dhiggan in 1% ay korortay tirada dadka rayidka ah ee si guud wax ugu noqday dagaalka, marka la bar bar dhigo tirada dadkii dhintay sanadkii 2014, oo ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee abid la diiwaangeliyo Afghanistan.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadaas ay qeyb ka yihiin kooxaha dowladda ka soo horjeeda oo weerarada ugu badan ku qaada xarumaha dowladda iyo ciidamada caalamiga.

Laakiin Afhayeen u hadlay Kooxda Taliban ayaa ku tilmaamay warbixinta ka soo baxday UNAMA inay tahay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn.

Isbaheysiga uu hogaaminayay Mareykanka ayaa ku duulay dalka Afghanistan sanadkii 2001, kadib weeraradii 9/11 ee lala beegsaday daarihii mataanaha ahaa.