Al-shabaab oo la wareegay Degaanka Tuulo Barwaaqo Oo kamida Gobolka Gedo

0
373

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay qabsadeen Tuulo  Barwaaqo oo hoostagta Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Tuuladaasi Barwaaqo ayaa waxaa Saaka ka baxay Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ciidamada ka mid ka ah Itoobiya.

Cali Ibraahin Xuseen oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Degaanka Tuulo Barwaaqo islamarkaana ay horay U Faaru jiyeen  Ciidamada Huwantaa.

Sargaalkaas ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay hada wadaan Qorsheyaal ay dib ugu laabanayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.