Al-shabaab oo sheegtay in ay Dileen Ciidamo ka tirsan Kenya

0
82

War lagu qoray Warbaahinta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay  in ay Qarax ku dileen Taliyihii Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo iyo Sidoo kale Shan Askari oo Kenyaan ah.

Al-shabaab ayaa Warka ay ku qoreen Warbaahinta Taageerta waxaa ay ku sheegeen in Qaraxa lala beegsaday Goob Talis u aheyd Ciidamada Kenya ee ku sugan Degaanka Ceel-cadde.

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Dhaawac Culus uu soo gaaray Guddoomiyaha Degaanka Ceel-cadde oo Magaciisa ay ku sheegeen  Qoorleex.

marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ma jirto Cid madax banaan oo xaqiijin karta Jiritaanka Warka Al-shabaab,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Kenya oo ku aadan Qaraxasi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here