Alvaro Morata oo ka jawaabay wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid

0
511

alvaro-morata-juventus_1vl0o1opp9jb91e3luzephwr1x

 Weerar yahanka kooxda Juventus Alvaro Morata ayaa ka warbixiyay wararka la xiriirinaya kooxdiisii hore ee Real Madrid oo doonaysa inay dib ula wareegto.

Alvaro Morata ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu ka hadlo koox kale balse uu haatan yahay laacib ka tirsan kooxda Juventus ee dalka talyaaniga.

22 jirkaan ayaa wax laga waydiiyay hadalkii ka soo yeeray madaxwaynaha Real Madrid wuxuuna ku jawaabay:

“Ma awoodo inaan naftayda ku arko koox kale, mana ku fikirayo arinkaas, Juventus waa kooxdayda, aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan”.