{DAAWO SAWIRADA} 20-qof Ayaa Dhimatay Tira kalane Wey Dhawacmeen kadib Dagaallo ka dhacay deegaanka Qorilley ee Gobolka Sool

0
237

Ugu yaraan 20-qof ayaa ku Dhintay, Tiro intaas ka badanna way ku Dhaawacmeen Dagaallo Culus oo ka dhacay Tuulada Qorilley oo 90-KM dhanka Koonfur-bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhexeeya malleeshiyooyin beeleed oo horay ay Colaado u Dhex-mareen; waxaana dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid culus oo ay isku adeegsadeen dhinacyadu hubka noocyadiisa kala duwan.

“Waxaan aroornimadii hore ee saakay oo Arbaco ah maqalnay rasaas xoog leh; waxaana magaalada ku dhacay jaah-wareer, waxayna is-rasaaseyntu socotay muddo saacado ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo deegaankaas ku sugnaa.

Goobjoogaha ayaa intaa raaciyay in ciidamada soo weeraray deegaankaas ay ka yimaadeen dhinaca degmada Burtinle, waxayna ku laabteen ayuu yiri halkii ay ka yimaadeen dagaalka kaddib; iyadoo deegaanno kalena ay dagaallo noocan oo kale ah ka dhaceen.

Dhanka kale, Goobjooge ku sugan Deegaankaas oo diiday in magaciisa la Xuso ayaa isna sheegay in 13-qof ay ka dhinteen dadka deegaanka; ayna ku dhaawacmeen 12-ruux oo kale oo isugu jira rayid iyo malleeshiyaad; Halka dhinicii Weerarka soo Qaadayna la sheegayo inay ka dhinteen Sagaal qof; shana ay ka dhaawacmeen, laakiin aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Isbitaalka Laascaanood ayaa la keenay 10-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba; Waxana la sheegayaa in dhaawacyada loo qaadayo deegaano kale si loogu soo daweeyo.

Dagaalkan oo ah mid soo noqnoqday ayaa mudo ka yar laba bilood ay degaanka Qoriley ka dhaceen laba dagaal, balse dagaalka maanta ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ka dhaca deegaankaas.

 

Dagaal_ka_dhacay_Qorilley_ (1) Dagaal_ka_dhacay_Qorilley_ (2) Dagaal_ka_dhacay_Qorilley_ (3)