{DAAWO SAWIRADA} Baarlamaanka dalka Japan oo feer iyo laad iska badiyay xili ay u codeynayeen Mooshin

0
241

Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysa Dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray Baarlamaanka Japan.

Gacan ka hadalka Xildhibaanada Baarlamaanka Japan ayaa yimid kadib markii Xildhibaanada ay isku qilaafen in cod loo qaado Mooshin wax looga bedalayo dastuurka dalkaasi si wadankaasi uu ciidamadiisa ugu diri karo meel ka baxsan dalkooda.

Mooshinka ayaa waxaa qaadacay Xisbiyada Mucaaradka dalkaasi kadib markii ay saluugen qorshooyinka ay damacsan tahay Dowlada oo lagu marin habaabinaayo Ciidamada.

Waxaa sidoo kale Mooshinka taageersanaa Xildhibaanada Muxaafidka ah kuwaasi oo guulo u arka in Ciidamada Japan la geynkaro dal waliba.