{DAAWO SAWIRADA} Bannaanbax looga soo Horjeedo Al-shabaab oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0
303

Bannaanbax looga horjeedo weerarkii Al-shabaab ay dhawaan ku qaadday Saldhigga AMISOM ee Jannaale ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, Gaar ahaan Degmada C/casiis halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne ka kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay u badnaayeen Haween.

Dibadbaxaan ayaa Waxaa soo Qaban-qaabisay Hey’adda Wadahadalka Bulshada ee CCD, iyadoo lagu Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ay 01-dii bishaan ku Qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM ay ku leedahay deegaanka Janaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shacabkii Dibad-baxaan ka Qayb-galayay ayaa Watay Boorar ay ku Qornaayeen hal-ku-dhigyo kala duwan oo liddi ku ahaa Al-shabaab, iyagoo ku dhawaaqayay erayda boorarka ku qornaa.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baar-qab oo dadkii dibad-baxa isugu yimid kula hadashay Barxada Garoonka Kubadda Kolayga Degmada C/casiis ayaa sheegtay in Weerarkii lagu Qaaday Ciidamada AMISOM uu ahaa mid Waxashnimo ah, isla markaana aanu Hor-istaagi doonin Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsanayso.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Ammaanka, C/llaahi Siyaasi ayaa isagana xusay weerarkii saldhiga AMISOM ee Janaale aanu niyad-jabin doonin horumarka dalka, wuxuuna xusay in weerarada Shabaab ay noqdeen kuwo naf-la-caari ah, ayna jabin doonaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaarin Maxamuud Makaraan ayaa isna codkiisa ku biiriyay Cambaareynta Weerarkaas, Wuxuuna xusay in AMISOM ay u soo Gurmatay Soomaaliya, Naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay Cagaheeda isugu taagi lahayd.

Taliyaha Qaybta Bartamaha ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/sare C/naasir Maxamuud Muuse ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dibadbaxyada lagu muujinayo dadka nabada-diiddan, shacabkana ay codkooda si xor ah u dhiibanaya, isagoo intaa ku daray in Shacab iyo ciidan iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa nabad diidka.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis, Cusmaan Muxiyadiin ayaa isna sheegay in dalka intiisa badan laga xoreeyo Al-shabaab, Isla markaana aysan Macno ku Fadhin Weerarrada ay soo qaadayaan, isagoo tilmaamay in haddii qarax la geysto aanay ummada wada baabi’i doonin, taasna aanan waqtiga la isaga lumin

“Soomaaliya way Horumartay, weerarrada ay Nabad-diidka Qaadayaan waxba ma soo kor-dhinayaan, Dalkan Soomaaliya ayaa la yiraahdaa, kumana baabi’i doono qarax aad Hoteel ama wadooyinka ka geystaan, laakiinse kuwa dhamaanaya waa idinka,” ayuu gudoomiyaha Degmada C/casiis yiri.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Hay’ada CCD, Ciise Axmed Cumar oo ka hadlay Dibadbaxa ayaa sheegay in Weerarkii Deegaanka Jannaale ay cambaareynayaan, isla markaana ay u soo gurmadeen ciidamada AMISOM dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Weerarkaas wuxuu ahaa mid wuxuushnimo ah, Walaalaheen AMISOM, Waddankooda ayay nooga yimaadeen, naftooda noo soo hureen, kooxaha nabad-diidka ahna wax walba ama ficil kasta oo ay sameeyaan nama niyad-jebinayo, dibna uma dhici doono, waxaa ka dhiidhiyay Ciidamada Qaranka, Somalia way hormartay, way kuftay way kacday, hadana danteeda iyadaa taqaan,” ayuu yiri Guddoomiye Ciise.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa iyadana sheegtay inay ka xun yihiin Dhibaatada soo gaartay AMISOM, iyadoo xustay dhiigga daatay uu magac Soomaaliyeed ku daatay.

“Waxaan rabaa inaan ka Hadlo oo aan Cambaareyno Falkii Ciidamada AMISOM waa ka xunnahay dhiigga daatayna wax magac Soomaaliyeed ku daatay waaye, Soomaaliya way idin abaal-gudi doontaa, mana illoobi doonto marka lugaheeda ay isku taagto, Adduunka abaal baanu ku leenahay waayo ciidan Soomaaliyeed ayaa horay dalal badan Afrikaan ah ugu gurmaday,” ayay tiri Canab Xasan Cilmi.

Ugu dambeyn, Xildhibaanad Caasho Koos oo bannaan-baxa ka Hadashay ayaa Sheegtay in Dowladaha Dariska ah ay u soo Gurmadeen Soomaaliya, isla markaana ay u yimadeen inay nabadda sugaan, isla markaana nabaddu tahay furaha nolosha, waxayna ku baaqday in lagu siiyo gacan ciidamada sidii ay Ammaanka u sugi lahaayeen.

DSC09163DSC09157DSC09156DSC09141DSC09113DSC09100DSC09085DSC08988DSC08944DSC08872DSC08833DSC08702DSC08656DSC08562